Budgeting & Saving

Sida Loo Sameeyo Budget Bil Kasta: 50/30/20 Method

•

5 min read

Budget-ku ma aha xaddidaad. Waa qorshe kaa caawinaya inaad ogaato halka lacagtaadu ku baxdo. Baro habka 50/30/20 iyo sida aad maanta ugu bilaabi karto.

var(--variable-owlctIcJt)

Dad badan waxay u malaynayaan in Budget-ku yahay xaddidaad ama liis dheer oo waxyaabaha aadan samayn karin ah. Laakiin Budget-ku wuxuu kaa caawinayaa inaad ogaato halka lacagtaadu ku baxdo, adiguna aad go’aansato halka aad rabto inay tagto.

Habka ugu fudud ee lagu bilaabi karo waa 50/30/20 Method.

Waa Maxay 50/30/20?

Qaado Net Income-kaaga (lacagta gacantaada soo gasha kadib canshuuraha) una qaybi saddex qaybood:

50% Needs (Baahiyaha): Kirada ama Mortgage-ka, cuntada, biilasha, gaadiidka, caymiska, iyo lacagta ugu yar ee deynta laga bixiyo.

30% Wants (Rabitaannada): Waxyaabaha aad jeceshahay laakiin aan muhiimka ahayn, sida maqaayadaha, dharka cusub, subscriptions, iyo safarrada.

20% Savings & Debt: Emergency Fund, maalgashi, iyo deyn bixin dheeraad ah.

Tusaale

Haddii Net Income-kaagu yahay $3,000 bishii:

  • Needs: 50%, $1,500

  • Wants: 30%, $900

  • Savings & Debt: 20%, $600

Qoyska iyo Sadaqada

Soomaali badan waxay bil kasta lacag u diraan qoyskooda ama sadaqo bixiyaan. Kharashyadaasna Budget-kaaga ku dar.

Waxaad xitaa samayn kartaa 50/20/20/10:

  • 50% Needs

  • 20% Wants

  • 20% Savings & Debt

  • 10% Qoyska iyo Sadaqada

Waxa muhiimka ahi waa in lacagtaasi qorshahaaga ku jirto.

5 Tallaabo oo Aad Maanta Ku Bilaabi Karto

  1. Ogow Net Income-kaaga. Eeg inta lacag ah ee bishii kuu soo gasha.

  2. Qor kharashkaagii bishii hore. Eeg Bank Statement-kaaga oo qor halka lacagtu ku baxday.

  3. U qaybi saddexda qaybood. Needs, Wants, iyo Savings & Debt.

  4. Isbarbar dhig 50/30/20. Halkee ayaad ka badan tahay? Halkee ayaad ka yar tahay?

  5. Dib u eeg bil kasta. Budget-kaaga wax ka beddel marka loo baahdo.

Haddii Needs-kaagu Ka Badan Yahay 50%

Waa caadi. Qof walba xaaladdiisu isku mid ma aha.

Waxaad ku bilaabi kartaa 60/20/20 ama xitaa 70/20/10.

Waxa muhiimka ahi ma aha inaad boqolkiiba kasta si sax ah u raacdo. Waxa muhiimka ahi waa inaad samaysato qorshe aad ku sii socon karto.

Talo: Pay Yourself First

Marka mushaharkaagu soo galo, qaybta aad kaydsanayso si automatic ah ugu dir account gaar ah ka hor intaadan lacagta inteeda kale isticmaalin.

Bilow Maanta

Waxaan kuu diyaarinay Monthly Budgeting Template bilaash ah oo kaa caawinaya inaad la socoto Income-kaaga iyo kharashkaaga.

Download Monthly Budgeting Template →

Maqaalkani waa waxbarasho, mana aha financial advice.

Want More Financial Content?

Hel Weekly Market Brief oo si fudud oo af-Soomaali ah kuugu sharxaya wararka ugu muhiimsan ee Stock Market-ka, Crypto, iyo dhaqaalaha.

Free. Unsubscribe anytime.